Gå direkt till innehåll Gå direkt till meny Gå direkt till meny

Linköpings Stadsfest

Publiken under RIX FM Festival på Borggården under Linköpings Stasfest 2018.Publiken under RIX FM Festival på Borggården under Linköpings Stasfest 2018.

Waxa dhammaadka bisha Ogosto, isla marka ay dugsiyadu bilaabmeen uun, ee ay fasaxyada xagaaga ka dib dad badani ku soo laabanayaan qaab nololoodkoodii caadiga ahaa, ayay markaas tahay maalmaha xagaaga ee Linköping ugu fiican.

Waxa wadooyinka iyo fagaarayaasha magaalada laga soo buuxiyaa waxqabadyo badan oo loogu talagalay carruurta, dhalinyarada iyo dadka waaweyn. Tartamo isboorti oo dheereynaaya/xawaare ku socda, waxqabadyo la isku tijaabinaayo, suuqa cuntada, bandhigyo madadaayo leh iyo dabcan muusig badan.

Linköpings Stadsfest waxa weeye munaasibada ugu weyn ee ay magaalada Linköping leedahay taas oo sanad walba soo jiidata ilaa 300,000 oo qof oo soo booqdeyaal ah. Waxa uu sannadkan, Bandhiga Linköpings Stadsfest dhacayaa inta u dhaxaysa 21-24 Ogosto. Si wada jir ah ayay ilaa boqol ka qeybqaate hal todobaad ugu abuurayaan dareen/khibrad halkaas oo aynu rabno inay cid kastaa wax ay xiiseynayo ka hesho. Dhammaan riwaayadaha iyo waxqabadyada kale badankooda ayaa bilaash lagu galayaa.

Si diiran ayaa laguugu soo dhaweynayaa!